Ku soo dhawaaw Amal Express. Amal Express waa xawaalad u adeegta dadka soomaliyeed u leh adeega macamiisha iyo lacag dirista.
Open
X

Kulan Trollhättan – Amal Express Sweden & Kafaalo Magazine.

Kulan Trollhättan – Amal Express Sweden & Kafaalo Magazine

 

Magaalada Trollhättan oo u jirta Gothenburg 75km ayaa tirokoobkii 2014 lagu xusay inay deggan yihiin guud ahaan 56 929 ruux. Dakhliga soo gala magaaladan ay tiradaas ku nool yihiin ayaa ah 3.3 billion kroner sanadkii, waxayna magaaladu 100-sano jirsan doontaa sanadka 2016. Tirada Soomaalida deggan ma aanan u helin si sugan, laakin sanadahaan danbe way soo degayeen.

Amal Express Sweden
Amal Express ayaa kulankaan ku soo bandhigtay adeegyadeeda cusub, sharciyadda cusub ee lacag dirista dalka Sweden iyo sida ugu haboon amni ahaan ee qofku lacagtiisa u dirsan karo, dowladduna ku ixtiraamayso. Waxay kale oo Amal ku soo bandhigtay goobta wadada ay u raacayso shuruucda dalka Sweden 2016 wixii ka danbeeya iyo sida ay dadka Soomaaliyeed uga caawin karto lacagaha la keydaday sida hagbadda oo kale inay tahay lacag sharci ah oo qofku leeyahay.

Maamulka Amal Sweden ayaa xusay inay u bandhigeen kana dhaadhiciyeen xildhibaano ka mid ah baralamaanka Sweden, muhiimadda ay leedahay xawaaladda Soomaalida iyo inay Soomaalidu lacagaha iskugu darsadaan hanaan ay isla yaqaanaan oo waafaqsan sharciga Sweden. Faahfaahinta Amal Sweden waxaad ka sii heli kartaa: www.amalsweden.com

Kafaalo Magazine
Maamulka Kafaalo Magazine (KM) ayaa iyaguna goobta ka soo bandhigay KM 2015 oo ah nuqulkii ugu danbeeyay. Nuqulkaan oo ka kooban tarbiyad, diin, taariikh, dhaqaalaha iyo qaybaha kale ee culuumta bulshada. Waxay kaloo bahda KM soo gudbiyeen darsi fikri ah oo la iskula rogrogayay sababta aanu dhulka u nimid iyo hawlaha noo yaal inaan ka qabano. Bandhigyadaan ayaa ahaayeen kuwo ay ka dilaaceen iswaydiimo la isku dhaafsaday afkaar iyo macluumaadyo kala duwan. Si gaara ayayna reer Trollhættan u dalbadeen in KM loo soo gaarsiiyo sanad walba. Faahfaahinta Kafaalo Magazine waxad ka sii heli kartaa www.kmagasin.com


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

kulan-trollhttan-8211-amal-express-sweden-038-kafaalo-magazine